Manchester United oo heshiis cusub ku abaal-marinaysa Bruno Fernandes… (Imise ayuu Isbuucii ku qaadan doonaa?)

0
201

Heshiiskan cusub ayaa la soo sheegayaa in kooxda Manchester United ay ku labo-jibaari doono mushaharka Bruno Fernandes ee Old Trafford.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa qabsaday Premier League tan iyo markii uu yimid wuxuuna markale caddeeyay muhiimadda uu u leeyahay kooxda Macallin Ole Gunnar Solskjaer kulankii West Ham United.

Fernandes ayaa markii hore loo magacaabay kursiga keydka, laakiin kubbadsameeyaha ayaa la keenay markii Man United ay 1-0 lagu hoggaaminayay, waxaana uu u dhigay Paul Pogba goolka barbaraha, iyadoo Mason Greenwood iyo Marcus Rashford ay sidoo kale bartilmaameed u ahaayeen guushaas 3-1 ah ee soo laabashada leh.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Man United ayaa haatan isku diyaarinaysa inay heshiis cusub ku baal-mariso Fernandes, kaasoo uu garoonka Old Trafford kaga qaadan doono 200,000 oo gini isbuuc, iyadoo 26-sano jirkaan uu haatan jeebka ku shubto 100 kun oo gini todobaadkiiba.

Fernandes ayaa heshiiskiisa haatan uu dhacayaa 2025, laakiin mushaharkiisa todobaadlaha ah ee haatan ayaa ka hooseeya kan Pogba, halka xiddiga ugu mushaharka badan kooxda uu yahay David de Gea, kaasoo todobaadkii jeebka ku shubta 350,000 oo gini.

Fernandes ayaa durbaba shabaqa soo taabtay 10 jeer xilli ciyaareedkaan tartammada oo dhan, xiddigii hore ee Kooxda Sporting Lisbon ayaa sidoo kale u dhigay kubadda asxaabtiisa lix jeer fasal ciyaareedkan 2020-21.

Si kastaba ha noqotee, heshiiskan ay Manchester United mushaharka ugu laban-laabayso Fernandes ayay kaga golleedahay inay xiddigan reer Portugal kaga dhacsato kooxaha doonaya saxiixiisa ee Real Madrid iyo Barcelona.