Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay wargeyska “The Sun” ee dalka England, kooxda reer London ayaa ujeedkeedu yahay inay la soo saxiixato daafaca reer Uruguay iyo kooxda Atletico Madrid ee José Giménez.
Chelsea ayaa ku soo xoojisay qeybta gadaale ee daafaceeda intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay adeega Thiago Silva, waxayna u muuqataa in maamulka Blues ay doonayaan inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan Silva ilaa iyo xagaaga 2022, iyo sidoo kale inay la soo saxiixdaan daafac da’ayar ah.
José Giménez oo 25 jir ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Atletico Madrid, wuxuuna soo jiitay indhaha kooxaha ugu waa weyn Yurub, kuwaasoo wada doonaya inay la saxiixdaan.
Giménez ayaa ku soo biiray kooxda caasimada Spain sanadkii 2013 ilaa waqtigaas wixii ka dambeeyay waxa uu ku guulaystay horyaalka Spain hal jeer, Spanish Super Cup hal jeer, sidoo kale waxa uu kula guulaystay kooxda Atletico tartanka UEFA Europa League ooh al jeer ah iyo UEFA Super Cup oo hal jeer ah.