Blues ayaa hoggaanka u sii qabanaysa horyaalka Premier League haddii ay guuleysataan marka ay galabta u safrayaan garoonka St. James’ Park, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonaan Newcastle United.
Kooxda Frank Lampard ayaa ka boodi doonta kaalinta shanaad waxaana ay tagi doontaa kaalinta koowaad haddii ay guuleystaan kulanka furitaanka ee isbuuca 9-aad, laakiin waxay ku dhibtoodeen goobtaan xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Sabti 21 Nof 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: St. James’ Park
Garsooraha: Craig Pawson (England)
Wararka Kooxaha:-
Weeraryahanka Newcastle ee Callum Wilson ayaa laga yaabaa inuu si dhaqso ah uga soo laabto dhaawac muruqa ah, halka Jonjo Shelvey iyo Matt Ritchie oo aan soo kabsan ay maqnaan doonaan.
Ryan Fraser ayaan taam aheyn, Miguel Almiron ayaana kaliya ku soo laabtay England goor dambe oo khamiis ah waana la qiimeynayaa xaaladdiisa.
Dhinaca kale Chelsea ayaa weli dhaawac ku weynaysa Christian Pulisic, halka Tababare Frank Lampard uu sheegay in Thiago Silva aysan u badnayn inuu ciyaari doono.
Kai Havertz ayaa ku soo laabtay tababarka kaddib muddo uu go’doomin ku jiray.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Chelsea ayaa badisay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo Newcastale ay ciyaartay Premier League, inkastoo ay kaliya hal jeer shabaq ilaashatay kulammadaas.
>- The Magpies Kooxda lagu naynaaso ayaa laga badiyay kaliya hal jeer todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Kooxda Chelsea, waxaana ay ka qaadatay mudadaas 5 guul iyo 1 barbaro.
>- Newcastle ayaa eegeysa inay guulo xiriir ah Premier League kaga gaarto kooxda Chelsea kaliya markeedii labaad.
Newcastle
>- Newcastle ayaa guuleysatay labo ka mid ah saddexdeedii kulan oo ay horyaalka ku ciyaartay garoonkeeda, waana in ka badan intii ay heshay 11 kulan oo markaas ka hor ay ku ciyaartay garoonkeeda St James’ Park.
>- Magpies ayaa laga badiyay kaliya hal kulan shantii kulan ee ay la ciyaareen kooxaha markaas iyaga ka sarreeya, waxaana kulammada kale ay ka heshay 2 guul iyo 2 barbaro.
>- Wiilasha Steve Bruce waxaa garoonkeeda laga dhaliyay sagaal gool oo horyaalka ah; kaliya Manchester United oo gurigeeda looga dhaliyey 10 ayaa intaas ka badan haysata.
>- Siddeed ka mid ah 10 gool oo horyaalka ay ka dhalisay Newcastle ayaa yimid kaddib qeybta hore ee ciyaarta.
Chelsea
>- Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 11 kulan tartammada o dhan, iyadoo lix ka mid ah kulammadaas ay yihiin horyaalka Premier League.
>- Blues wax khasaaro ah lama soo kulmin kulammada horyaalka oo ay ku soo ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda kal ciyaareedkan, waxaana ay haystaan 2 guul iyo 2 barbaro, iyagoo kulamo isku xiga shabaqooda gool ka soo ilaashadaas safarradoodii ugu dambeeyey.
>- Timo Werner ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyey Chelsea ee shan kulan oo xiriir ah tartammada oo dhan gool dhaliya tan iyo Didier Drogba oo sidaasi sameeyey bishii November 2009.
>- Werner ayaa sidoo kale noqon kara Jarmalkii afaraad ee saddex kulan oo xiriir ah Premier League gool ka dhaliya, isagoo ku dayan doona Jurgen Klinsmann, Dietmar Hamann iyo Leroy Sane.
>- Hakim Ziyech ayaa gacan ka geystay todobo gool oo ay Chelsea horyaalka ka dhalisay labo kulan oo uu ku soo bilowday safka hore.
>- Goolhaye Edouard Mendy ayaa kaliya laga dhaliyey labo gool siddeed kulan oo uu u saftay Chelsea tartammada oo dhan.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-