Horudhac: Manchester United vs West Bromwich Albion… (Kooxda Ole oo raadinaysa inay guushii ugu horreysay ee Premier League ku gaarto garoonkeeda Old Trafford)

0
181

Mid ka mid ah 10-kii dhibcood ee ay Man United heshay ilaa haatan xilli ciyaareedkan ayaa yimid iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda, laakiin waxay wajihi doonaan kooxda West Brom oo ku dhibtoonaysa aagga heerka labaad, iyadoo aan wax guul ah ku gaarin garoonkeeda ama garoon kaleba ilaa iyo haatan 2020-21.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 21 Nof 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: David Coote (England)

Wararka Kooxaha:-

Manchester United ayaa ku rajo weyn in Marcus Rashford uu taam u noqon doono inuu ka oo laabto dhaawac garabka ah kulankan.

Alex Telles waa la heli karaa oo diyaar ah kulanakn, laakiin Victor Lindelof oo dhibaato dhabarka ka haysata iyo Mason Greenwood oo dhawaanahan xanuunsanaa ayaa shaki laga gelinayaa ka qayb qaadashadooda kulankan.

Kooxda West Brom ayaa dhowr xubnood oo aan la magacaabin laga helay xanuunka saf mareenka ah ee Korona Fayras intii lagu guda jiray ciyaaraha heerka caalami.

Si kastaba ha noqotee, Branislav Ivanovic, Matheus Pereira iyo Callum Robinson ayaa ciyaari kara kaddib marka ay dhameystiraan go’doominta nafsadooda ama karaantiilka ay ku jiraan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Manchester United ayaa laga yaabaa inay lumiso kulammo isku xiga ee horyaalka oo ay wajaheyso West Brom markii ugu horreysay tan iyo bishii December ee sanadkii 1980-kii.

>- The Baggies kooxda lagu naynaaso ayaa guuleysatay saddex ka mid ah shanteedii kulan ee la soo dhaafay oo ay horyaalka ku ciyaartay garoonka Old Trafford, iyadoo kaliya hal kulan guuleysatay 31-kii kulan oo ay markaas ka hor horyaalka ku ciyaartay garoonkaas.

>- West Brom ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee saddex kulan oo isku xiga oo Premier League ah banaanka kaga ilaashatay shabaqeeda Manchester United tan iyo Arsenal oo sidaasi sameysay intii u dhaxeysay 1980 iyo 1982.

Manchester United

>- Man United ayaa guuleysatay dhammaan saddexdii kulan ee Premier League ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan, laakiin waxa ay kaliya heleen hal dhibic afartii kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka fasal ciyaareedkan.

>- Kaliya labo jeer ayay ku guuldarreysteen inay guuleystaan mid ka mid ah shanta kulan ee furitaanka horyaalka oo ay ku ciyaaraan garoonkooda, waana xilli ciyaareedyadii 1930-1930 iyo 1972-73.

>- Manchester United ayaa guul la’aan ah lix kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda tan iyo markii ay garaacday Bournemouth 4-tii July, waxa ay sii dheereyn karaa oo ay gaarsiin karaan toddobo kulan markii ugu horreysay tan iyo Febraayo ilaa Maarso sanadkii 1978-kii.

>- Red Devils ayaa raadinaysa inay iska ilaaliso inay barbareyso rikoorka kooxda ugu sarreysa ee ah inay ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato saddex kulan oo isku xigta oo gurigooda ah, waxayna tan sameeyeen 13 jeer, laakiin kaliya hal jeer oo Premier League ah waana sheeko dib ugu laabanaysa bishii Maarso ilaa May 2002.

West Bromwich Albion

>- West Brom ayaa guul la’aan ah 12 kulan oo horyaalka ah tan iyo markii ay 2-0 garoonkooda uga adkaadeen Derby tartanka Championship-ka 8 bishii July, waxaana ay 12-kaas kulan la kulmeen 6 barbaro iyo 6 guuldarro.

>- Waa mid ka mid ah saddex koox oo aan weli wax gool ah laga dhalin 15-ka daqiiqo ee furitaanka kulamadooda Premier League ilaa iyo haatan, waxaana wehliya Arsenal iyo Aston Villa.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-