Manchester United ayaa diyaar u ah inay ka tanaasusho xiddigeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, waxayna qorsheyneysaa in Real Madrid ay is dhaafsadaan xiddigaha Varane iyo Pogba.
Magaca Paul Pogba ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda reer Spain ee Real Madrid, wuxuuna talaabadan u arkaa xiddiga reer France riyo ay tahay inay u rumoowdo.
Waxaa la filayaa in Paul Pogba uu ka tagi doono Red Devils xagaaga 2021, maadaama qandaraaskiisa uu dhacayo kaliya hal sano kaddib, xilli maamulka ka aramiya garoonka Old Trafford ay quus ka taagan yihiin laacibkan sababa la xiriira hoos u dhaca ku yimid heerkiisa ciyaareed, sidaas darteed waxay diyaar u yihiin inay iska fasaaan.
Haddaba sida laga soo xigtay shabakada “Defensa Central” ee dalka Spain, Manchester United waxay si fiican uga warqabtaa in Pogba uu bixi doono si kasta ay ahaato, sidaas darteed waxay doonayaan inay ka faa’ideystaan bixitaankiisa inta ugu macquulsan, si ay ula sameeyaan Real Madrid heshiis isdhaafsi ah, kaasoo ay ku helayaan adeega Raphaël Varane.
Si kastaba ha ahaatee, shabakada ayaa warbixintan waxay ku xustay in Zinedine Zidane uu wali ku dhegan yahay fikirka uu kula saxiixanayo Paul Pogba, balse isla waqtigaas uusan diyaar u aheyn inuu iska fasaxo daafaciisa Raphaël Varane, inkastoo qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhacay dhowaanahan, Los Blancos ayaana isku dayi doonta in soo xiro galinta Pogba ay u adeegsato lacag.