Kooxda Liverpool oo iska diidday fursad ay kula soo saxiixan kartay Kalidou Koulibaly suuqii xagaaga

0
170

Reds ayaa si aad ah ugu baahan daafac dhexe oo cusub kaddib markii ay dhaawacyo muddo dheer ah ku waysay Virgil van Dijk iyo Joe Gomez, taasoo keentay in Joel Matip uu noqdo ciyaaryahanka kaliya ee wayn ee booskaas laga heli karo.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka suuqa kala iibsiga ee Ian McGarry ayaa sheegay in Liverpool ay heli lahayd Koulibaly inuu qeyb ka noqdo kooxdooda xilli ciyaareedka 2020-21, maadaama Napoli ay doonaysay inay iska iibiso bishii Agoosto.

Isagoo ka hadlayay Barnaamijka ‘Transfer Window podcast’, McGarry waxa uu soo jeediyey in kooxda reer Talyaani ay ku doonaysay lacag dhan 60 milyan oo euro oo u dhigata 53.87 milyan oo gini laacibka reer Senegal, isla markaana Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League aysan dooneynin inay bixiso.

Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa gasho marka uu dib u furmo bisha Janaayo, iyadoo ciyaaryahanka Kooxda Tottenham Hotspur ee Davinson Sanchez uu ku soo baxay dookh lama filaan ah oo ay u doonayaan inay ku daboolaan baahidooda daafaca dhexe.