Hadda waxa uu ku sugan yahay Barcelona, Pedri ayaana u mahadceliyay Kooxda Real Madrid oo diiday isaga ka hor inta uusan u dhaqaaqin riyadiisa Camp Nou.
Pedri ayaa uga mahaceliyey Kooxda Real Madrid inaysan la saxiixan isaga, waxaana uu sheegay inuu isagu doonayay inuu ka mid noqdo Barcelona.
17-sano jirkaan ayaa kooxda ka dheesha horyaalka La Liga uga soo biiray Las Palmas bishii July, waxaana uu dhaliyey labo gool 10 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Kooxda Barca.
Laakiin sheekada da’yarkaan sidaasi waa ay ka duwanaan lahayd, kaasoo ay hoos u dhigtay Madrid oo markii hore tartanka laacibkan ku jirtay.
Pedri oo ah xiddig dhalinyaro ah oo reer Spain ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay diidaan kooxaha saxiixiisa kula tartamayay Barça.
“Waxaan doonayey inaan tijaabiyo Real Madrid, laakiin waxay ii sheegeen inaanan heerkaas gaarin,” ayuu Isniintii u sheegay Cadena SER.
“Waxaan u mahadcelinayaa kii ii sheegay inaan u qalmin, hadda waxaan ku jiraa kooxdii aan waligeey jeclaa.”
Barcelona ayaa haatan fadhisa kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, waxaana ay sagaal dhibcood ka dambeysaa hoggaamiyayaasha horyaalka ee Real Sociedad, inkastoo ay ciyaareen in labo kulan ka yar kulammada ay ciyaartay horyaalka Sociedad.
Pedri, kaasoo labo kulan ku soo bilowday safka hore ee horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa ku raaxeysanaya fursadda uu uga garab ciyaarayo laacibka lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee Lionel Messi.
“Dabcan waan ku riyoonayay inaan ka garab ciyaaro Messi, sida carruur badan” ayuu yiri Pedri.
Kooxda Barcelona ayaa kulankeeda soo aaddan waxa ay Sabtida soo socota u safri doonaan Atlético Madrid.