Xiddiga xulka qaranka Uruguay ee Luis Suarez ayaa ka maqnaan doona Waddankiisa oo ka qeyb-galaya kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka Latin America.
Dhaliyaha Kooxda Atletico Madrid ee Suarez ayaa baaritaanno lagu sameeyey Isniintii waxaa lagu ogaaday inuu ku dhacay Korona Fayras, laakiin xaaladdiisa caafimaad ayaa la warinayaa inay tahay mid deggan oo aanu ka muuqanin wax astaamo ah, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo uu dareemayo.
Xanuunkan ku dhacay Luis Suarez ayaa dhabar jab weyn ku ah xulka qaranka Uruguay iyo kooxda Atletico Madrid oo ay ku soo wajahan yihiin kulamo adag oo muhiim u ah, waxaana xiriirka Uruguay uu warbixin uu soo saaray ku shaaciyey in Luis Suarez uu qabo xanuunkan oo uusan kasii mid ahaan doonin xiddigahooda kulanka adag wajahaya dhiggooda Brazil caawa saqda dhexe.
Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaan heli doonin weeraryahankeeda cusub kulanka ay qaabili doonaan Barcelona Sabtida soo aaddan, taasoo noqon lahayd fursaddii ugu horreysay ee uu kaga hortagi lahaa Suarez kooxda uu waqtiga badan u ciyaarayay ee Barcelona.
Suarez ayaa geli doona karantiil uu ku seegi doono kulanka Brazil iyo ciyaaraha adag ee kooxdiisa Atletico Madrid ay ku waajihi doonto Barcelona, Lokomotiv Moscow oo ay bartamaha isbuuca dambe la ciyaari doonaan Champions League iyo waliba kulanka kasii dambeeya ee Valencia oo isagana shaki laga gelinayo.