Haddaba su’aasha taagan ayaa waxay tahay, Waa sidee go’aanka uu Cristiano Ronaldo kaga tagayo kooxda Juventus??
Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uusan ka war qabin qorshooyinka noocaas ah ee kooxdiisa Juventus, isla markaana uusan dooneynin inuu ka tago Allianz Stadium, halkaasoo uu ku dareemayo farxad.
Warbixintan uu daabacay Wargeyska “AS” ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in qoyska Cristiano Ronaldo ay si wanaagsan ugu faraxsan yihiin Talyaaniga, sidaa darteed laacibka ayaa diiradda saaraya dhameystirka qandaraaska uu kula jiro Juventus, oo ku eg ilaa iyo dhamaadka xagaaga 2022.
Paris Saint-Germain ayaa lala xiriirinayay maalmihii lasoo dhaafay inay la saxiixaneyso kabtanka xulka qaranka Portugal, iyadoo agaasminaha ciyaaraha ee kooxda uusan meesha ka saarin suurtagalnimada ay Bianconeri ugu dhaqaaqi karto soo xero galinta adeega Cristiano Ronaldo.
Haddaba shaqsiyaadka u dhow Cristiano Ronaldo ayaa waxay xaqiijiyeen in dhaq dhaqaaq kasta oo ka yimaada Paris Saint-Germain uusan u muuqan mid suurtogal ah xilligan.
Mid ka mid ah kooxaha awooda qarashka ku baxaya qandaraaska Ronaldo ayaa weli ah kooxdiisii hore ee Manchester United, kaasoo lagu xaqiijiyay warar sheegaya inuu xiiseynayo dib u soo celinta adeega xiddiga reer Portugal.