Warta Degmada Boondheere oo ku fatahday xaafado ka mid ah degmada

0
427

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Roobabkii ka da’ayay magaalada Muqdisho maalmahii u dambeeyay ayaa sababay fatahaad ay sameyeen bulaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir  oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheere, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo caafimaadka dadka danta yar  ee ku nool Degmada Boondheere

Bulaacaddan ku taala Degmada Boondheere oo buux dhaaftay ayaa keentay in xaafado qaar ay go’doon galaan oo dadka deegaanka ay ka cabanayaan biyaha ka yimid bulaacadda inay go’doomiyeen, waxaana maamulka Degmada Boondheere oo kaashanaya kan Gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira, iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

Cumar Maxamed Dayib ayaa ka warramaya