Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo tababar u qabatay Guddoomiyeyaasha deegaanada Qaamqaam, Yoontooy iyo Buulaguduud.

0
239

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa tababar aqoon kororsi ah oo soconaya muddo labo maalmood u qabatey Guddoomiyeyaasha deegaanada dhaca jiinka webiga Jubba sida Qaamqaam, Yoontooy iyo Buulaguduud.

Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa looga gol-leeyahey in lagu kobciyo garaadka Guddoomiyeyaasha deeganadaas, si ay wax badan uga bedelaan bulshada ay hoggaamiyaan islamarkaana ugu hagaan jidka horumarka.

Xoojinta xirfadaha la adeegsado marka la xallinayo khilaafaadka bulshada ka dhex dhaca ayaa qayb weyn ka ahaa tababarka  loo furay Guddoomiyeyaasha deegaanada Qaamqaam, Yoontoy iyo Buulaguduud.

Tababarkan ayaa daba socda tababarro hore oo loogu qabtey Guddoomiyeyaasha deeganadaas kaas oo ay natiijo fiican kasoo baxday kadib markii waxyaabihii ay koo soo kororsadeen tababarradaasi ay wax badan kaga bedeleen bulshadooda.

Jaamac Cabdullaahi Ugaas Agaasimaha arrimaha bulshada u qaabilsan maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa ugu dambeyntii faah faahin ka bixiyey tababarka.

“Waxaan siminaar laba maal mood ah aan u qabanay gudiyada tuulooyinka buulo gaduud. Yoontooy. qaam qaam. gudiyada   oo ay dhiseen wassaradda arimaha gudaha iyo gobolka jubbada hoose  gudiyada Ayaa xoogoo baraarujin u sameenaynaa  mudo laba maal mood ah oo maanta u bilaawanayso.