Hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka oo wajahaya xaqiiqada guusha Biden

0
243

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Markii lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guulestay Joe Biden, Sacuudiga waxay ku qaadatay waqti dheer in ay ka jawaabaan.

Sacuudiga ayaa horey ugu hambalyeeyay Trump markii madaxwaynanimada loo doortay sanaddii 2016.

Arrintani waa mid la yaab leh: waxay lumiyeen saaxiibkii fadhiyay xilka ugu sareeya Marekanka.

Guusha Mr Biden ayaa saameyn qota dheer ku yeelan karta Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta.

Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo gobolka Khaliijka ayaa ah mid soo bilowday sanadkii 1945 islamarkana laga yaabaa in uu sii jiro, balse isbadalo ayaa iman doona, laakiin isbadaladaasi ma noqon doonaan kuwa dhammaantood laga soo dhaweeyo caasimadaha Khaliijka.

Madaxwayne Trump ayaa saaxib dhaw la ahaa, islamarkana ahaa mid taageera qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa uu Riyaad u doortay inay noqoto magaaladii safarkiisii ugu horeysay uu ku tago bariga dhexe markii uu xafiiska la wareegay 2017

Wiilka uu Soddoga u yahay, Jared Kushner, ayaa waxaa uu xiriir dhaw la noqday dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.

Markii hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ay dhaxal-sugaha uga shakiyeen in uu ka dambeeyay dilkii saxafigii lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi 2018, madaxwayne Trump wuxuu gabi ahaanba diiday in uu ku eedeeyo.