Afhayeenka gobolka Banaadir oo ka hadlay saameyntii ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Caasimadda.

0
354

Kadib shir jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salaax Cumar (saalax dheere) ayaa sheegay in dowladda hoose aysan awoodeeda ku filneen xaaladda ka dhalatay saameynta roobabka  isxig xigay ee ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho waxaana shacabka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo beesha caalamka uu ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ka dhalatay roobabkaasi.

Saalax Cumar afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in bankiga adduunka uu dowladda hoose u balan qaaday 37 milyan oo lagu kabayo dib u-dhiska goobaha biyo mareenada si loo furo goobahii xirmay.

Dhanka kale afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in roobabka ay da’ayeen sagaal bilood oo xiriiri ah isla markaana aan loo helin fursad wax looga qabto marka laga reebo afartan iyo shan cesho ee uusan roob da’in, waxaana uu sababay in culeys uu ku noqday goobihii biyo fariinsinka ahaa ee hore loo sameeyay.

“Roobka waxaa uu caasimadda ka da’ayaa illaa iyo sagaal bilood oo xiriir ah marka laga reebo afartan iyo shan cesho ee uusan roob da’in hase-ahaatee waxa uu saameyn xooggan ku yeeshay dhammaan goobihii biyo mareenada caasimada, kuwii hore loo dayactiray iyo kuwii kaleba” ayuu yiri Afhayeenka.