Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis cusub.

0
192

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay heshiiska barnaamijkan kulan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurib ay ku kala saxiixanayeen wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisal wasaaraha ayaa shir guddoomiyay wada hadal heer sare ah oo uu la qaatay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga doorashooyinka soo socda, dib u habeynta dhaqaalaha & siyaasada loo wada dhan yahay.

Midowga Yurub ayaa dhawaan Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar oo wax looga qabanayo dib u soo kabashada dhibaatada dhaqaale ee uu geystay covid19, lacagtaas oo gaaraysa shan milyan oo Yuuro.