Man United iyo Real Madrid oo si xoogan ugu dagaalamaya saxiixa xiddig muhiim ka ah Premier League

0
173

Kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan ayaa ah kuwa ugu cadcad dagaalka loogu jiro saxiixa N’Golo Kanté.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa ku soo biirtay dagaalka loogu jiro adeega Kanté, inkastoo la sheegay in xiddiga reer France uu doonayo in markale uu la midoobo tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte, kaasoo ay ka soo wada shaqeeyeen naadiga Chelsea.

Wargeyska ayaa xaqiijiyay in xiisaha kooxda Manchester United ee N’Golo Kanté ay soo bilaabatay sanadkii 2018, kaddib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray ka garab ciyaarista Paul Pogba ee xulka qaranka France, taasoo sababtay in loo caleemo saaro koobkii adduunka, maadaama ay Red Devils raadineyso inay ku guuleyato horyaalka Premier League oo ay ugu dambeysay sanadkii 2013.

Transfer news and rumours LIVE: Kante wants Real Madrid move | Goal.com

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxda Real Madrid oo dooneysa inay ku xoojisato safkeeda heshiisyo waaweyn, kaddib bixitaanka xiddigaha Gareth Bale, James Rodriguez, Achraf Hakimi iyo Sergio Reguilón.

N’Golo Kanté ayaa helay kalsoonida tababaraha reer France iyo kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, kaasoo doonayo inuu keeno garoonka Santiago Bernabeu qiimo kasta ha ku kaco.