Macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka soo aadan ee Manchester City, wuxuuna ka hadlay dhowr arimood ee quseeya ciyaarta, wuxuuna xaqiijiyay maqnaanshiyaha Thiago Alcântara.
“Dhaawaca Thiago uma baahna qalliin, laakiin waxaan wali ku jirnaa xilligii soo kabashada, maadaama dhaawaca soo gaaray uu ahaa mid adag, sidaas darteed wali wuxuu sameynayaa soo kabasho”.
“Thiago Alcântara waqti dheer kuma qaadan doono inuu soo kabsado, laakiin kulanka Manchester City, uma maleynayo inuu goob joog noqon doono”.
Thiago Alcântara ayaa sii wadan doona inuu ka maqnaado safka kooxdiisa Liverpool tan iyo kulankii Everton ee la ciyaaray bartamaha bishii October, wuxuu maqnaa labadii kulan West Ham United iyo Atlanta ee horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League.
Saxaafada England ayaa tilmaamtay in Jurgen Klopp uu si xoogan isugu dayay inuu u diyaariyo xiddiga reer Spain ee Thiago Alcântara kulamada Atlanta iyo Manchester City, laakiin waxay u muuqataa in ciyaaryahanka ay heysato dhibaato jireed.
Wargeyska “Liverpool Echo” ee dalka England ayaa sheegay in sababaha uu u sii maqnaanayo ciyaaryahanka khadka dhexe reer Spain ee Thiago Alcântara ay tahay mid aan la aqoon, iyadoo laga cabsi qabo dib u dhac cusub.