“Thomas Partey wuxuu ku socdaa wadadii Patrick Vieira” – Halyeey Kooxda Man United ah

0
268

Kooxda Arsenal ayaa ku soo adkaatay garoonka Old Trafford kaddib mudo 14 sano ah, kaddib markii ay Manchester United kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Wargeyska “Standard” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane, waxaana ka mid ahaa:

“Waxaan sheegnay kahor ciyaarta, in wiil dhalinyaro ah uu yimid koox weyn wuxuuna ka ciyaaray tartamo waa weyn, marka aad aragto ciyaaryahan nool, isla markaas ayaad xukmin kartaa isaga”.

“Waxaan rajeynayey inuu joogo khadka dhexe ee kooxda Manchester United, waa ciyaaryahan weyn, xoogan islamarkaana dagaalyahan ah”.

“Waxaan u maleynayaa in Thomas Partey uu fursad u heysto inuu sameeyo waxa aan ka baranay Patrick Vieira, sababtoo ah waa mid xoogan ee dagaalami kara”.

“Wuxuu jecelyahay inuu kubadda baaso, wuxuuna u muuqdaa mid ku raaxeysanaya kubadda, taabashadiisa ugu horeysa waa mid wanaagsan, wuxuuna awoodaa inuu ilaashado kubadda”.