Bruno Fernandes Oo Magacaabay Xiddiga Man United Ee Uu Jecel Yahay Inuu Ka Garab Ciyaaro

0
176

Dhoobleey (Idaacadda Sanguuni)-7 jirka reer France ayaa kusoo lug yeeshay dhamaan kulamadii Manchester United ee xili ciyaareedkan, balse waxa su’aal laga  keenay sida ay Bruno iskugu habboon yihiin marka ay in badan ciyaarta ku wada jiraan.

Laakiin Bruno Fernandes ayaa rumaysan in isaga iyo Paul Pogba ay Manchester United heer kale gaadhsiin karayaan marka ay ciyaarta ku wada jiraan.

“Mar walba farxad ayaan ku dareemaa marka aanu kooxda ku wada jirno, sababtoo ah wax badan ayaan ka bartaa, isaguna wax badan ayuu iga baran karaa. Annaga oo wada jir ahna wax wanaagsan ayaanu samayn karnaa.” Ayuu yidhi Fernandes oo la hadlayay Sky Sports.

“Dabcan waxa kale oo aanu leenahay xidhiidh wanaagsan. Waxa aan aqaanay illaa Talyaaniga markii uu joogay, haddana waxa aan anigu helay fursad aanu isku koox ku noqono ciyaartoy ku guuleystay Koob Adduun.” Ayuu ku daray.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Bruno intaa ku daray: “Pogba wuxuu doonayaa inuu ciyaaro, waxa uu doonayaa inuu ka mid noqdo kooxda lagu soo bilaabayo, taasna kagama duwana ciyaartoyda kale. Dhamaantood waxay doonayaan inay kusoo bilowdaan.

“Dabcan Paul waa ciyaartoy cajiib ah oo waxyaabo badan oo wanaagsan soo qabtay sannadihii ugu dambeeyey. Qaabkuu uu la yimid ciyaarihii Paris Saint-Germain iyo Newcastle waxay ahaayeen kuwii ku habboonaa kooxda.

“Dad badan ayaa ku fikiri kara in Paul uu ka cadhaysan yahay kursiga kaydka iyo in aanu waxba samayn karin marka uu soo galo sababtoo ah in uu cadhaysan yahay, laakiin wuxuu la yimaaddaa dardartii saxda ahayd, sidii aynu ka aragnay caawintii kulankii Paris.

“Inaad fadhido kaydka dhibaato ayay ku tahay qof walba, laakiin dhibaatadani dhiirigelin ayay u tahay Paul. Wuxuu ka dhigtaa dhiiranaan, waxaanu in badan caawinayaa kooxda marka uu ciyaarta soo galo, sidii uu u ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee Champions League.”