Paul Pogba ayaa saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Marcus Rashford u bixiyey Naynaasta ah: “Amiirka Ingiriiska” xilli Weeraryahanka Man United ee Rashford uu u dabaal-dagayey sanad guurada dhalashadiisa.
Rashford ayaa shalay oo Sabti ahayd ay ku aadanayd dhalashadiisa, waxaana uu jirsaday 23-sano.
Haddaba iyadoo xiddigaha ka ciyaara horyaalka Premier League, gaar ahaan kooxda uu ka tirsan yahay ee Manchester United ay hambalyo dhalasho ah hawada u soo marinayeen ayuu ku guuleystaha koobkii Adduunka ee 2018 naynaastan cusub ee Amiirka England u bixiyey Rashford.
Weeraryahankan cajiibka ah ayaa Arbacadii wacadaro dhigay kulankii ay guusha 5-0 ka gaareen RB Leipzig ee Champions League kaddib markii Rashford isagoo ka soo kacay kursiga keydka uu saddexleey ugu shubay kooxda martida u ahayd.
Sidoo kale Marcus Rashford ayaa muteystay amaan badan kaddib markii uu isku howlay barnaamij isxilqaan ah oo uu ku quudinayo carruur iskuuleey ah oo aan heli karin cuntada xilliga ay iskuulka dhiganayaan, waxaana uu hormuud ka noqday olele dhaqaalo loogu aruurinayo carruurtaas.
Waxaana xusid mudan in isagu uu lacagtaas inta ugu badan bixinayo, taasoo uu horay ugu muteystay in lagu maamuuso bishii October shahaadada MBE.
Pogba ayaa farriinta uu ku daabacay bartiisa Instagram-ka oo uu naynaastaan cusub ugu bixiyey Rashford, waxay u dhignayd: “Dhalasho wanaagsan Rashy, Amiirka Ingiriiskoow.”