Juventus oo dharbaaxo xoogan la kulantay kahor kulanka Barcelona

0
210

Juventus ayaa barbaro 1-1 ah la gashay kooxda Hellas Verona, taasoo xaalada ku sii xumeeneysa tababaaraha cusub ee Andrea Pirlo, xilli uu garoomada kaga maqan yahay Cristiano Ronaldo sababa la xiriira Korona Fayras.

Leonardo Bonucci ayaa dhaawac muruqa ah soo gaaray daqiiqadii 74-aad ee kulankii xalaay kooxaha Juventus iyo Hellas Verona, wuxuuna ka baxay garoonka.

Leonardo Bonucci ayaa kula biiray saaxiibkiis Giorgio Chiellini liiska xiddigaha ka dhaawac kooxda Juventus, kaasoo isna dhaawac uu ka soo gaaray kulankii Dynamo Kiev ee tartanka Champions League.

Haddaba tababare Andrea Pirlo oo ka hadlayay dhaawaca soo gaaray Leonardo Bonucci ayaa yiri:

“Wuxuu runtii dareemay xanuun muruqa ah kulankii Dynamo Kiev, laakiin ma jirin xal kale, markale ayuuna caawa dareemay”.

“Sidaas darteed waxaan go’aansanay inaanan qatar gelin, saacadaha soo socdana waan arki doonaa xaalladiisa”.