Lampard oo war naxdin leh ka helay kulamada caalamiga ah, kaddib markii uu dhaacmay xiddig muhiim ka ah kooxda Chelsea

0
201
LONDON, ENGLAND - JULY 07: Frank Lampard, Manager of Chelsea looks on whilst leaving the pitch following the Premier League match between Crystal Palace and Chelsea FC at Selhurst Park on July 07, 2020 in London, England. Football Stadiums around Europe remain empty due to the Coronavirus Pandemic as Government social distancing laws prohibit fans inside venues resulting in all fixtures being played behind closed doors. (Photo by Justin Setterfield/Getty Images)

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday shabakada “talkSPORT” goolhaayaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Edward Mendy ayaa soo gaaray dhaawac inta uu ku gudi jiray tababarka xulkiisa qaranka Senegal, kaasoo ay ugu diyaar garoobayeen kulanka saaxiibtinimo ay caawa laciyaarayaan dhigooda Morocco.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Xiriirka Kubadda Cagta Senegal ay xaqiijiyeen in Mendy uu ku dhaawacmay bowdada midig intii lagu guda jiray tababarkii xulkiisa qaranka.

Mendy has reportedly suffered an injury on international duty

Haddii dhaawaca Edward Mendy uu noqdo mid culus oo u baahan in mudo ah inuu garoomada ka maqnaado si uu u soo kabto, tababaraha kooxda Blues ee Frank Lampard ayaa u baahnaan doona in markale uu doorto midkood Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero.

Kepa ayaa ka qeyb galay kulankii xulkiisa qaranka Spain uu wajahay Portugal Arbacadii, kaasoo ku soo idlaaday barbardhac goolal la’aan ah, ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Jose Alvalade caasimada Portugal ee Lisbon.