Horudhac: Leeds United vs Man City… (Kooxda Pep Guardiola oo doonaysa inay ka soo kabato guuldarradii weynayd ee ka soo gaartay Leicester)

0
227

(Leeds) 03 Okt 2020. Tababaraha ku cusub horyaalka Premier League ayaa qaadan doona tijaabadiisii ugu adkayd maanta marka uu macallin Marcelo Bielsa oo hoggaaminaya Leeds United uu ku soo dhoweyn doono garoonka Elland Road dhiggiiisa Pep Guardiola ee horkaca kooxda Manchester City.

Kooxda dhowaan u soo dallacday horyaalka Premier League ayaa ku raaxaysanaysa guulo xiriir ah oo horyaalka ah, halka Man City kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka ay guuldarro 5-2 ah kala kulantay Leicester City todobaadkii la soo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 03 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Elland Road

Garsooraha: Mike Dean (England)

Wararka Kooxaha:-

Leeds United ayaa qabin wax dhaawacyo waa weyn ah, laakiin laacibka khadka dhexe ee amaahda kula jooga ee Jack Harrison ayaa wajihi karin kooxda milkiyaddiisa iska leh ee Man City.

Ezgjan Alioski ayaa lagu wadaa inuu soo galo, halka Pablo Hernandez uu wali dhaawacan yahay.

Daafaca dhexe ee Kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa sameyn kara safashadiisii ugu horreysay ee horyaalka Premier League tan iyo bishii July kaddib markii uu soo dhammaystay karaantiilka Korona Fayras.

Ruben Dias ayaa loollan ugu jira kulankiisii ugu horreeyay, laakiin Oleksandr Zinchenko, Gabriel Jesus iyo Ilkay Gundogan ayaa wali ka maqan kooxda martida ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Kani waa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah oo dhex mara labadaan kooxood tan iyo sanadkii 2013-kii, markaasoo ay Man City ku adkaatay 4-0 kulan ka dhacay garoonkeeda oo qeyb ka ahaa tartanka FA Cup-ka.

>- Kulankii ugu dambeeyay ee garoonka Elland Road ku dhexmara labadaan kooxood waxa uu ku dhammaaday 2-1 oo ay ku adkaatay kooxda Leeds kulan ka tirsan hroyaalka Premier League kaasoo dhacay bishii Maarso ee sanadkii 2004.

>- Manchester City ayaa garaacday Leeds kaliya labo ka mid ah todobadii kulan ee Premier League ee ay marti ahaayeen, shan jeer waa laga badiyay.

Leeds United

>- Kooxda The Whites lagu naynaaso ayaa guuleystay 14 ka mid ah 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey kulammada horyaalka, iyagoo shabaqooda gool ka ilaashatay 11 ka mid ah guulahaas.

>- Leeds United ayaa adkaan karta saddex kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii Janaayo sanadkii 2003.

>- Patrick Bamford ayaa dhaliyay saddex gool saddex kulan oo uu saftay Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu hal gool dhaliyay 27 kulan oo uu u ciyaaray Crystal Palace, Norwich City, Burnley iyo Middlesbrough.

>- Kalvin Phillips ayaa ku abuuray sagaal fursadood oo goolal ah kooxaha ka soo horjeeda horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kooxda Leeds ah.

Manchester City

>- Kooxda Manchester City ayaa guuldarro la kulmi karta kulammo isku xiga horyaalka markeedii ugu horreysay tan iyo bishii December sanadkii 2018.

>- Waxa ay guuleysteen saddex kulan oo xiriir ah oo ay ku soo ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda horyaalka Premier League, waxaana ay dhaliyeen cel-celis ahaan goolal gaaraya 12-1.

>- Guuldarradii kali ahayd ee Man City ka soo gaartay 31-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen kooxaha soo dallacay ayaa yimid kulan ay ka horjeedeen Norwich bishii September ee sanadkii hore, waxaana Man Cty 30-ka kulan oo kale ay heleen 25 guul iyo 5 barbaro.

>- Waxaa laga dhaliyey shan gool kulankii ugu dambeeyay ee Leicester City, taasoo u dhiganta wadarta guud ee goolasha laga dhaliyay 11-kii kulan ee la soo dhaafay horyaalka, markaas ka hor.

>- Waxay ahayd markii ugu horreysay oo koox uu wato tababare Pep Guardiola ah laga dhaliyo shan gool 686-kulan isaga oo macallin ah – waana markii ugu horreysay muddo 12 sano ah oo ay Man City ogolaato in laga dhaliyo shan gool.

>- Guardiola ayaan laga badinin saddex kulan oo uu horey ula ciyaaray Macallin Marcelo Bielsa, markii ay labadan masuul kala hoggaaminayeen Barcelona iyo Athletic Bilbao, waxaana Pep uu adkaaday kulammadaas 2 ka mid ah, halka kulanka kalena ay barbaro galeen.

>- Kevin De Bruyne ayaa si toos ah ugu lug lahaa 35 gool oo Premier League ah 14 gool oo uu dhaliyey iyo 21 gool oo uu caawiyey tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, waana in labo ka badan ciyaaryahan kasta inta lagu jiray mudadaas.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-