Mid kamid ah Ceelasha ku yaala Dhooblay oo kulmiyey dadka Miyiga iyo Magaalada

0
321

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Ceelka Dhoobaale waxa uu kamid yahay Ceelasha ugu caansan magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose kaasi oo laga dhaansado Biyaha, dadka Biyaha Ceelkan ka dhaansada ayaa isugu jira kuwo u isticmaala xaafadahooda iyo kuwa ka maareeya noloshooda biyaha ay ceelka ka dhaansadaan.

Sidoo kale dadka qaar ayaa u qaata baadiyaha si ay u isticmaalaan, Hadaba waxaanu la kulanay qaar kamid ah dadka biyaha ceelka Dhoobaale  uga yimaadda Miyiga, Wariyeheen Xamdi Sugow Lamaane ayaa la kulantay Warbixintana inooga diyaarisay.