
(Yurub) 16 Sebt 2020. Xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa faallo ka bixiyay go’aanka lagu joojiyay abaalmarinta Ballon d’Or ee ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka sanadkan; sababa la xiriira faafitaanka cudurka Korona.
Robert Lewandowski ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “ESPN” wuxuu ku sheegay:
“Xilli ciyaareedka cusub koox kasta iyo ciyaaryahan kasta ee kubadda cagta ah, waxay u noqon kartaa xilli ciyaareedkii ugu adkaa ee nolosheena”.
“Waxaan leenahay kulan ku dhawaad saddexdii maalmoodba mar, nasasho la’aan, way adkaan doontaa”.
“Waa inaan diyaar u noqonaa, kaliya ma ahan kubadda cagta xirfadaha iyo tayada, ee waa inaan sidoo kale diyaar u noqonaa jir ahaan”.
“Qof walba oo kubadda cagta ah, tani waxay noqon doontaa wax aanan waligeen gaarin. Waa inaan diyaar garowno, ma ogi waxa hadafkeygu yahay xilli ciyaareedkan”.
“Waxaan doonayaa inaan sameeyo sida ugu fiican, oo aan dhaliyo tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee goolal, laakiin dabcan waxa ugu horreeya marwalba waa ujeedka kooxda”.
Intaas kaddib Robert Lewandowski ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay go’aankii lagu joojiyay sanadkan bixinta abaal-marinta Ballon d’Or , wuxuuna yiri:
“Sanadka wali ma uusan dhamaan, waxaan rajeynayaa inay wax isbadali doonaan bilaha soo socda, wuxuu noo ahaa xilli ciyaareed wanaagsan”.
“Laakiin yaa og waxa dhici doona labada ama saddexda bilood ee soo socota, weli waxaan diirada saarayaa shaqadayda, waana arki doona waxa dhaca”.
Gool FM.