Home Cayaaraha “Manchester United waa inay diirada saartaa ku guuleysiga koobab” – Luke Shaw

“Manchester United waa inay diirada saartaa ku guuleysiga koobab” – Luke Shaw

0
346

(Manchester) 14 Sebt 2020. Daafaca bidix kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa aaminsan in Red Devils ay tahay inay diirada saarto ku guuleysiga koobab.

Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee miiska kala sarreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxayna sidoo kale gaareen afar dhamaadka tartamada kala ah UEFA Europa League, Carabao Cup iyo Community Shield.

Haddaba Luke Shaw ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United, wuxuu ku sheegay:

“Waa dareen layaab leh, gaar ahaan aniga, ma dareemayo inaan waqti badan ku qaatay garoonka banaankiisa”.

“Laakiin tani waa nolosha mararka qaarkood, waa inaad diyaar u ahaato wax walba oo dhaca, waana mid ka mid ah xaaladahaas, anagoo heysana ciyaartoy badan oo caalami ah, waxaan rajeyneynaa inaan ku soo laabato tababarka”.

“Waxaan diyaar u nahay xilli ciyaareedka cusub, waxaana u baahanahay inaan noqono kuwo awood leh, oo aan diirada saarno ku guuleysiga koobab”.

“Ma ahan inaan kaliya ku fikirno afarta sare, koox sidaan oo kale ah waa inay ku guuleysataa koobab”.

Gool FM.