“Ku guuleysiga saddex Champions League oo isku xigta waa wax ka badan inta aan qiyaasayay”- Toni Kroos

0
164

Laacibka reer Germany ayaa wuxuu horey u milicsaday saddexda jeer xiriirka ahaa uu horey u qaaday tartanka Champions League.

Xiddigan reer Germany ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska ” Blick” ayaa wuxuu ku sheegay:

“Wax heshiis ah lama gaarin Bayern Munich 2014, kaddibna Real Madrid ayaa ii timid”.

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan imaado Real Madrid anigoo ku soo guuleystay koobka adduunka”.

“Laakiin ku guuleysiga saddex Champions League oo isku xigta waa wax ka badan inta aan qiyaasayey”.

Si kastaba ha noqotee xiddigan ayaa ka hadlay imaatinkiisa Spain iyo caqabada uu kala kulmay luqada Spainish-ka, laakiin waxa uu sheegay inuu nasiib ku lahaa inuu halkaas kula kulmay tababare Carlo Ancelotti, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo oo Ingiriiska ku hadli karay.

Gool FM.