Wargeyska “Sport” oo shaaca ka qaaday xaqiiqada ku aadan in Bartomeu uu iska casilayo xilka madaxtinimada ee Barcelona

0
190

(Barcelona) 26 Agoosto 2020. Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa soo xigtay sheekooyin kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka madaxtinimada ee kooxda Barcelona, oo ah wax ka soo horjeeda wixii ay shaaca ka qaadeen warbaahinta Spain xalay oo Talaado ah.

Wargeyska “Sport” ayaa la xiriiray madaxweynha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu si uu u ogaado xaqiiqda ah inuu xafiiska ka tagayo, isla markaana uu iska casilayo jagada madaxweynaha kooxda reer Catalonia, kaddib go’aankii uu qaatay Lionel Messi.

Adduunyada oo dhami ayaa wuxuu ogaaday in Lionel Messi uu doonayo inuu ka tago Barca, wuxuuna ka codsaday maamulka kooxda uu hoggaaminayo Josep Maria Bartomeu inay u ogolaadaan inuu si xur ah uga tago naadiga suuqan xagaaga.

Laakiin Bartomeu wuu diiday codsiga Lionel Messi wuxuuna ku adkeysanayaa inuu sii joogayo ilaa iyo dhamaadka qandaraaskiisa kooxda ee gaaraya xagaaga 2021.

Sidaas darteed, waxay wararku sheegeen in madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu go’aansaday inuu iska casilo jagada madaxtinimada ee naadiga Barca, si loo ilaaliyo joogitaanka Messi ee garoonka Camp Nou.

Laakiin Wargeyska “Sport” ayaa xaqiijiyay in Bartomeu uu beeniyay dhamaan wararka been abuurka ah saxaafada ay baahisay ee ku saabsan inuu ka tagayo Barcelona, wuxuuna xaqiijiyay inuusan wali qaadin talaabadan.

Si kastaba ha noqotee, Messi ayaa heysta qandaraas gaaraya ilaa iyo xagaaga 2021, waxaana qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa Barcelona uu gaarayaa 700 million euros, iyadoo ay jireen shuruudo ku jiray qandaraaska oo u oggolaanaya inuu si xor ah uga tagi karo kooxda, balse qodobkaas ayaan hadda suurtogal noqon Karin maadaama uu ku ekaa 10-ka bishii June ee la soo dhaafay, sida heshiiska ku xusan.

Gool FM.