(Yurub) 22 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda Innter Milan Antonio Conte ayaa go’aamiyay mustaqbalkiisa, kaddib kulankii xalay ee finalka UEFA Europa League ay guuldarro ka soo gaartay naadiga reer Spain ee Sevilla.
Kooxda Sevilla ayaa ugu dambeyntii xalay ku guuleysatay koobka UEFA Europa League kaddib markii ay ku garaacday naadiga reer Talyaani ee Inter Milan 3-2, kulankii Finalka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka RheinEnergieSTADION ee dhaca magaalada Cologne ee dalka Germany.
Antonio Conte ayaa wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Inter Milan, wuxuuna yiri:
“Ma jiraan wax dareen nacayb ah ee dhankeyga ama dhanka kooxda ah, waxaa jira dad aan horay ula soo shaqeeyay, marka ma jirto wax dhibaato ah ee ku saabsan arrintaas”.
“Waxay ku saabsan tahay qodobbada aragtida, waxaa jira xaalado aan la kulmay kuwaasoo aan ku qancin, anigoo xushmad buuxda u haya qof walba”.
“Waxaan cadeyn doonaa xaalada iyadoo aan nacayb laheyn, sababtoo ah waxaan mar walba dareemayaa inaan ku faraxsanahay fursada aan sanad cajiib ah kula qaatay Inter, laakiin dhanka kale aad ayey iigu adkeyd”.
“Haddii aad u maleynaysid inaan is casili doono, taasi ma dhici doonto” ayuu yiri Antonio Conte.
Gool FM.