Luis Suarez oo sharaxaad ka bixiyay muranka ka taagan mustaqbalkiisa kooxda Barcelona

0
149

(Barcelona) 22 Agoosto 2020. Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa xaliyay muranka ka taagnaa mustaqbalkiisa kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda.

Luis Suarez ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu sii joogo Barcelona ilaa iyo inta ay kooxda dooneyso inay ku tiirsanaato adeegiisa.

Suarez ayaa lala xiriirinayay maalmihii lasoo dhaafay inuu ka tagayo kooxda Barcelona, gaar ahaan tan iyo guuldaradii foosha xumayd ee kaga soo gaartay kooxda Bayern Munich kulankii wareega 8-da ee tartanka Champions League, halka ilo wareedyada qaar ay sheegayeen in ciyaaryahanka uu ku fikirayo tijaabinta loolan cusub.

Dhinaca kale wargeysyada qaar ayaa waxay cadeeyeen suurtogalnimada uu Luis Suarez qeyb kaga noqon karo heshiiska ay Barca ku dooneyso weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martínez, kaasoo si xoogan looga raadinayo Barcelona.

Laakiin Luis Suarez ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda Barca, wuxuuna beyniyay wararka la xiriirinaya inuu ka tagayo garoonka Camp Nou.

Wargyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu dhawaan bixiyay Luis Suarez, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ma jiro qof ka tirsan kooxda oo ii sheegtay inay doonayaan inay ka maarmaan adeegeyga, waxaan doonayaa kooxda ugu fiican, waxaana doonayaa inaan sii joogo”.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan sii joogo Barcelona illaa iyo inta ay doonayaan inay i ilaashadaan, waxaan weli doonayaa inaan caawiyo, waxaan dareemay taageerida jamaahiirta tan iyo markii aan imid, taasina mar walba wey i dhiirogalineysaa”.

Gool FM.