Thomas Tuchel oo fariin digniin ah u diray kooxda Bayern Munich

0
186

(Lisbon) 19 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa fariin u diray kooxda Bayern Munich kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan naadiga Olympique Lyonnais wareega afar dhamaadka Champions League.

Paris Saint-Germain ayaa jaratay tikitka finalka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League kaddib markii ay si raaxo leh kaga adkaatay kooxda RB Leipzig 3-0, kulankii wareega afar dhamaadka Champions League.

Thomas Tuchel ayaa wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib wuxuu fariin digniin ah u diray kooxda Bayern Munich wuxuuna yiri:

“Waan ku raaxeysan doonaa daawashada ciyaarta Lyon iyo Bayern Munich, waan ognahay in kooxda Jarmalka ay tahay musharraxa ugu adag, balse kulanka Lyon wuxuu noqon doonaa mid aad u adag”.

“Dabcan u soo bixitaanka kooxda Paris Saint-Germain ee tartanka UEFA Champions League, waxay noqon doontaa caqabadda ugu muhiimsan ee mustaqbalkeyga tababarenimo, waa ciyaar weyn”.

“Waa dareen weyn, waxaan halkaan u joognaa inaan u soo baxno finalka, waxaana, waxaan muujinay rabitaan xoogan ciyaarta kahor, waxaan dareemay xoogaa cadaadis ah, mana aheyn wax fudud”.

“Laakiin ciyaartoyda Paris Saint-Germain waxay caadeysteen inay ku ciyaaraan cadaadis, waxayna jecel yihiin cadaadiska noocaas ah iyo kulamada muhiimka ah”.

“Waxaan muujinay awooddeena iyo hamigeena xoogan ee aan ku guuleysan karno, iyo inaan wadajir u shaqeyno, Ciyaartoyda waxaa lagu kala saaray maskax xoogan”.

Gool FM.