Andres Iniesta oo ka hadlay xaallada adag ay hadda ku jirto kooxda Barcelona & sida ay kaga gudbi karaan

0
165

(Barcelona) 18 Agoosto 2020. Halyeeyga Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Andres Iniesta ayaa dhambaal muhiim ah u diray kooxdiisii ​​hore ee Barca marka loo eego dhibaatada ka heysata heer kasta, taas oo si weyn uga sii dartay kaddib fadeexadii ka soo gaartay kulankii wareega dhamaadka ee tartanka Champions League naadiga Bayern Munich.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa kabaha la dulmartay Barcelona oo ay ku garaacday 8-2 kulan qeyb ka ahaa siddeed dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Shalay, maamulka kooxda Barcelona ayaa qabtay kulan dheer oo ay kaga wada hadlayeen xaalada kooxda yo inay qaataan go’aano muhiim ah, waxaana go’aanadii la qaatay qeyb ka ahaa shaqo ka ceyrinta tababare Quique Setién, iyo go’aaminta taariikhda la qaban doono doorashada madaxtinimo ee kooxda, taasoo dhici doonta Maarso 2021.

Kooxda reer Catalonia ayaa hada raadineysa inay la soo saxiixato macalin cusub ee noqon doono badelka Quique Setién, waxayna u badan tahay in loo magacaabi doono Tababaraha xulka qaranka Holland ee Ronald Koeman, laakiin ilaa iyo hada wax rasmi ah lagama soo saarin arintaan.

Haddaba halyeeyga kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa aaminsan in xalka ugu fiican ay Blaugrana kaga gudbi karto dhibaatada heysata ay tahay inay midoobaan dhinayada oo dhan oo midba midka kale ka shaqeeyo danaha guud.

Andres Iniesta ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka soo dhigay qoraal wuxuuna yiri:

“Waxaan markasta u midoobi doonnaa inaan dhisno kooxda adduunka ugu fiican”. ayuu yiri Andres Iniesta.

Gool FM.