Kooxda Inter Milan oo u soo baxday finalka Europa League kaddib markii ay ka adkaatay Shakhtar Donetsk … +SAWIRRO

0
258

(Yurub) 18 Agoosto 2020. Kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay finalka tartanka Europa League kaddib markii ay ku garaacday Shakhtar Donetsk 5-0 kulankii wareega afar dhamaadka UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-0 ah ay ku hoggaamineysay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Daqiiqadii 19-aad kooxda Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddiga reer Argantina ee Lautaro Martinez, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nicolo Barella..

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Inter Milan ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Danilo D’Ambrosio, waxaana ka caawiyay goolkan Marcelo Brozovic.

Balse daqiiqadii daqiiqadii 74-aad Inter Milan ayaa dheereysatay hoggaaminta dheesha, kaddib markii uu Lautaro Martinez ka dhigay 3-0, Romelu Lukaku ayaana ka caawiyay goolkan.

Sheeko waxay ku sii xumaatay kooxda Shakhtar Donetsk daqiiqadii 78-aad, kaddib markii uu Romelu Lukaku ka dhigay 4-0, waxaan caawinta goolkan lahaa weeraryahanka reer Argantina ee Lautaro Martinez.

Daqiiqadii 83-aad Romelu Lukaku ayaa soo xiray bandhigii goolasha ee kooxda Inter Milan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 5-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-0 ay kaga adkaatay  Inter Milan kooxda Shakhtar Donetsk, waxayna kooxda reer Talyaani iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Europa League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.