(Manchester) 17 Agoosto 2020. Manchester City ayaa go’aamisay mustaqbalka macalinka reer Spain ee Pep Guardiola, kaddib markii ay ku hareen wareega siddeeda dhamaadka ee tartanka Champions League.
Kooxda kubadda cagta Lyon ee reer France ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League kaddib markii ay tartanka ka reebtay Manchester City, kulan ku soo dhammaaday 3-1.
Dhinaca kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayey in kooxda Barcelona ay soo dalbatay adeega macalinkoodii hore ee Pep Guardiola, taasoo muran iyo cabsi xoogan dhalisay.
Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa soo wariyay in Manchester City ay qorsheeneyso inay qandaraaska u kordhiso Pep Guardiola, waxayna Sky Blue aaminsan tahay inay qalad tahay bixitaanka macalinka reer Spain.
Inkastoo Manchester City xilli ciyaareedkan uu u ahaan midaan wanaagsaneyn, haddana saraakiisha kooxda Sky Blue ayaa waxay aaminsan yihiin in Guardiola yahay ninka saxda ah ee hogaamin kara kooxda.
Wargayska ayaa tilmaamay in Pep Guardiola uu qandaraaskiisa wali ku harsan yahay kaliya 10 bilood, laakiin kooxda ayaa durbadiiba bilowday wadahadalo ku saabsan kordhinta heshiiska.
Sidoo kale wargeysyada ayaa shaaca ka qaaday saacadihii la soo dhaafay, in Man City ay u aragto Mauricio Pochettino inuu noqon karo badelka saxda ah ee Pep Guardiola, haddii ay dhacdo inuu kooxda ka tago.
Wargeyska reer England ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray in Pep Guardiola uu doonayo inuu sii joogo kooxda Man City kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa, wuxuuna carabka ku adkeeyay in macalinka reer Spain uu doonayo inuu markale dagaalamo, kaddib markale oo ay ku guuldarreysteen inay gacanta ku dhigaan tartanka Champions League.
Gool FM.