Kooxda RB Leipzig oo markeedii ugu horreysay taariikhdeeda gaartay afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay guul xilli dambe ka qaadatay Atletico Madrid

0
194

(Lisbon) 14 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta RasenBallsport Leipzig ee dalka Jarmalka ka dhisan ayaa gaartay afar dhammaadka Champions League markeedii ugu horreysay taariikhdeeda, kaddib markii guul xilli dambe ah 2-1 ay kaga adkaatay naadiga reer Spain ee Atlteico Madrid.

Kulankan oo ahaa mid ah adag isla markaana qaladaadkiisa ay aad u badnaayeen ayaa qeybtii hore lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda reer Jarmal ee RasenBallsport Leipzig ayaa goolka la horreysay, waxaana gool madax ah u dhaliyey daqiiqaddii 50-aad Daniel Olmo, kaddib karoos uu ka helay Marcel Sabitzer, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 looga gacan sarreeyey Atletico.

Intaas kaddib Macallin Diego Simeone ayaa go’aansaday inuu garoonka soo geliyo 58’daqiiqo Joao Felix, waxaana uu dibadda u saaray Hector Herrera, kaas ayaana ciyaarta farqi ka abuuray.
Joao Felix ayaa markii uu bedel ku soo galay si wacan ciyaarta shaqo uga qabtay, waxaana kubbad isku taabasho qurux badan oo uu la ciyaaray saaxiibadiisa uu galay xerada ganaaxa, taasoo keentay lagu jilaafo gudaha diilinta ganaaxa, gool ku laadkaas lagu abaal-mariyey kooxda reer Spain waxaa gool u rigay oo ciyaarta garbo siman ku soo celiyey isla Joao Felix.
Kulanka ayaa noqday barbaro 1-1 daqiiqaddii 71-aad, wixii intaas ka dambeeyey koox waliba fursado gaad ayay ahayd oo kubbad adag ayaa la ciyaaray, laakiin kooxda Leipzig ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey 88’daqiiqo Tyler Adams, kaddib markii uu goolhaye Jan Oblak arki waayey kubbad ku sii dhacday Stefan Savic, isla markaana ay shabaqa gaartay, Atletico ayaana lagu hoggaamiyey 2-1.
Kooxda Atletico Madrid ayaa ku guuldarreystay inay goolkaas ka soo laabato, waxaana  ay macsalaameeyeen tartanka Champions League, iyadoo Leipzig oo iska xaadirisay afar dhammaadka koobka horyaallada Yurub ay foodda dari doonto naadiga reer France ee PSG.
SAWIRRO:
Gool FM.