“Real Madrid waxay heysataa fursad ka weyn tan ay ku soo bixi karto Manchester City”

0
161

(Yurub) 05 Agoosto 2020. Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu guuldarro 1-2 ah waxay kala kulantay Manchester City, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba halyeeyga kooxda Real Madrid ee Manolo Sanchís ayaa u arka in Los Blancos ay heysato fursado ka badan Manchester City, si ay ugu soo baxaan wareega 8-da ee tartanka Champions League.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Manolo Sanchís, waxaana uu yiri:

“Real Madrid marka laga soo laabtay Covid – 19, waxay naga dhigtay inaan aamino awooda ay u leedahay inay ku soo baxdo garoonka Etihad”.

Manolo Sanchís: "Courtois ilusiona a cualquier madridista"

“Real Madrid waxay noqotay musharax xoogan si ay u soo baxdo xilligan la joogo, in ka badan sidii ay ahaan laheyd haddii kulankaas la qaban lahaa bishii Maarso ee la soo dhaafay”.

“Waxaan qabaa in Real Madrid 60% ay ka gudbi karto Manchester City, halka kooxda reer England ay heysato 40%”.

Intaas kaddib Manolo Sanchís ayaa ka hadlay in Pep Guardiola uu doonayo inuu kula guuleysto tartanka Champions League labo koox ee kala duwan ayaa wuxuu yiri:

“Wuxuu u socdaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waa weyn, wuxuu doonayaa inuu taariikh sameeyo, laakiin Real Madrid way guuleysan kartaa markan”.

Gool FM.