“Lionel Messi waxa uu kubadda cagta ku soo gabagabayn doonaa Kooxda Barcelona” – Josep Maria Bartomeu

0
174

(Barcelona) 03 Agoosto 2020. Josep Maria Bartomeu waxa uu shaaca ka qaaday in Lionel Messi oo kubadda cagta kaga fariisan doono kooxda kubadda cagta Barcelona.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu waxa u shaaca ka qaaday in Kabtanka Kooxda ee Lionel Messi uu baaqi ku sii ahaan doono garoonka Camp Nou dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Kaddib xilli ciyaareed aad u hooseeyey oo u jiray kooxda reer Catalan iyo xiisad kacsan oo ka dhex taagnayd naadiga ayaa waxaa soo baxayey warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in Messi uu dooran doono inuu ka tago Barca sanadka 2021-ka.

Yeelkeede, inkastoo hubanti la’aanta jirta ee ku saabsan mustaqbalka kabtanka kooxda, haddana Bartomeu ayaan fileynin in xiddiga reer Argentina uu soo afjari doono xiriirkiisii muddada dheer ee kooxda ka dheesha horyaalka La Liga.

Isagoo la hadlayey Wargeyska Sport, Bartomeu ayaa yiri: “Waxa uu xirfaddiisa ku soo gabagabayn doonaa Barcelona, isagu weli waxaa u harsan saddex ama afar sano oo dheeri ah oo kubada cagta ah.”

“Qandaraaskiisa xiga wuxuu dhammaan doonaa sanadka soo socda, laakiin shaki iigama jiro inuu eraygiisa dhawri doono, mustaqbalkiisana ku soo gabagabeyn doono halkaan.” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Bartomeu.

Lionel Messi ayaa dhaliyey 25 gool, waxaana uu caawiye ahaa 21 gool oo kale, isaga ayaa goolasha iyo caawintaba ugu sarreeyey xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Bartomeu: 'Messi will retire at Barcelona'

Gool FM.