Wasaaradda gargaarka iyo hay’adaha samafalka oo kawada hadlay sidii wax loogu qaban laha dadka gargaarka ubaahan ee kunool Koofur Galbeed

0
187

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Koofur galbeed Soomaaliya,Naasir Cabdi Caruush ayaa sheegay in ay degaannada Koofur Galbeed  ka wadaan xog uruurin ku aaddan heerka xaaladaha Bini’aaddamnimo iyo baahiyaha halkaasi ka jira.

Wasiir Caruush oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay kula kulmeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka iyo NGO’yada maxalliga ah si ay ugu jawaabaan digniinta ay Wasaaraddiisu soo saartay Todobaadkii hore iyo sidii loo dersi lahaa.

Wasaaradda gargaarka Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay dejisay qorshe soconaya Saddex Sano, kaas oo loogu tala galay in si dhib yar loo wajaho haddii ay dhacaan musiibooyin kala duwan iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay in dalagyadii la beertay ay cuneen Cayayaanno kala duwan xilligii kale ee la filayay Roobabkuna ay baaqdeen, taasoo ay ugu sii biirtay xaaladda Cudurka Coronaha oo sababay sicir barar iyo dhibaatooyin kale.

Naasir Cabdi Caruush, Wasiirka Wasaaradda gar-gaarka KG ayaa wuxuu madaxda Dowladda dhexe uga mahad celiyay doorkii ay ku lahaayeen ka jawaabista xaaladaha Bini’aadamnimo ee halkaasi ka jirta.