Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Wasiirka waraafinta Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada todobaadka xorriyadda, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay sanad-guurada 60-aad ee xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic hormarineed oo laga fulinayo guud ahaan dalka, maadaama wali lagu jiro xaaladdii la dagaalanka cudurka safmarka ee COVID19.
Wasiirka ayaa sheegey in micnahu uusan aheyn inaan la dabbaaldegeynin, hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxadda iyo weyneynta todobaadkaan maadaama ay tahay midnimada ummaadda Soomaaliya.
“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahaan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaan midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba,dowladduna waxa ay fureysaa mashaariicyo farabadan”Ayuu yiri wasiir Maareeye.
Wasiir Maareeye, waxa uu qiray in sanadkaan uu yahaysanadkii soo kabashada dalka iyo dadka,sidaa daraadeedna lagu guuleystay horumarinta adeegyada bulshada,soo celinta amniga,helitaanka dugsiyo waxbarasho oo lacag la’an ah,soo celinta awooddii dhinaca arimaha dibadda iyo kuwo kale.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in si farxad leh ay uga qeybqaataan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,isagoo sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyadana ku dhiirigaliyay in la weyneeyo xusaska todobaadka xoriyadda.
Gaban gabada hadalkiisa waxaa uu Wasiirku hambalyo ku aadan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,u diray Umadda Soomaaliyeed.