Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabangabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen Aqoonyahano Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre waxaana uu uga qayb galay munaasabada habka adeega casriga ah ee online-ka,Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka,Culimaa’udiin lagu casuumay.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Aqoonyahanada iyo khubaradii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalka.