Van Dijk Oo Jawaab Kulul Siiyay Dhaleeceeyayaasha Liverpool Kadib Xasuuqii Frankfurt!

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa la hadlay warbaahinta kaddib markii kooxdiisu ay 5-1 ku xasuuqday Eintracht Frankfurt wareegga saddexaad ee tartanka Champions League.

Van Dijk ayaa yiri:“Ma garanayo in guushan ay fariin tahay, balse waa mid aan ku dhisi karno mustaqbalka.”

Isagoo sii hadlayay, waxa uu raaciyay:

“Waxaan ciyaarta kubadda cagta ku jiray muddo dheer, sidaas darteed ma dareemayo wax farxad xad-dhaaf ah. Waa wax caadi ah in niyad-jab la dareemo kaddib guuldarrooyinkii dhowaan dhacay, balse waa inaan u adkeysannaa, mideysnaannaa oo u sii shaqeynaa si adag.”

Van Dijk ayaa intaas ku daray:

“Waxaan guuleysanay maanta, laakiin waa inaan hadda u diyaar garownaa kulanka Brentford ee Sabtida. Ma aha inaan ka falcelinno hadallada taban ee na hareer socda. Habka kaliya ee guul lagu gaari karo waa inaan diiradda saarno shaqada xigta.”

Ugu dambeyntii, kabtanka Reds ayaa yiri:“Waa inaan sii wadnaa dadaalka, oggolaanin na waxyaabaha looga hadlo bannaanka garoonka inay na mashquuliyaan.”