Martín Zubimendi oo Bannaanka Keenay Qorshaha Ugu Weyn Ee Arsenal Xilli Ciyaareed Kaan

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga cusub ee Arsenal, Martín Zubimendi, ayaa si daacad ah uga hadlay xaaladda gudaha kooxda iyo sababta uu u aaminsan yahay in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kii guusha oo ay sugi jireen taageerayaashu.

Isagoo la hadlay The Guardian, ayuu Zubimendi sheegay:

“Waxaan ka maqlay saaxiibaday kooxda in dhibaatooyinkii hore ay ka imaan jireen dhaawacyo. Markii ciyaaryahan muhiim ah uu dhaawacmo, kooxda si fudud bay u burburaysay.

Laakiin sannadkan, yoolkeenna waa guul dhab ah. Kooxdu waxay si weyn u maalgelisay in laba ciyaaryahan ay ka ciyaaraan boos kasta.”

Zubimendi iyo saxiixyada cusub ee kale ayaa horey u muujiyay saameyn weyn oo ay ku yeesheen mashruuca sii kobcaya ee Mikel Arteta, iyadoo tayada iyo qoto-dheeraanta kooxda ay hadda si dhab ah u muuqato.

Inkasta oo dhaawacyo ay haleeleen xiddigo muhiim ah sida Kai Havertz, Bukayo Saka, Martin Ødegaard, iyo William Saliba, haddana Arsenal waxay sii waddaa bandhig heer sare ah oo ay ugu jirto tartan kasta.

Kooxda ayaa haysata 16 dhibcood todobadii kulan ee ugu horreeyay, taas oo ka dhigaysa inay hogaanka Premier League ku hayaan hal dhibic oo ay kaga sarreeyaan kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool.

Arsenal waxay muujisay adkaysi – iyadoo barbar dhac la gashay Manchester City, guul soo laabasho ah ka gaartay Newcastle iyo West Ham oo si fudud looga badiyay, taas oo muujinaysa in mashruuca Arteta uu hadda si buuxda u bislaaday.