Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay.

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

Shirkan muhiimka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya digniinta hore iyo maareynta musiibooyinka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la mideeyo nidaamyada kala duwan ee bixiya digniinaha hore, si loo abuuro nidaam qaran oo isku dhafan oo awood u leh ogaanshaha, ka hortagga iyo jawaab degdeg ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka soo food saara dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha dadaalkii ay muujiyeen iyo ansixinta nidaamka isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya.