Muxuu Ousmane Dembele Ka Yiri Inuu Markiisii Ugu Horreysay Ku Guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or?

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guuleystaha Ballon d’Or 2025, Ousmane Dembélé, ayaa ammaanay tababarihiisa Luis Enrique iyo saaxiibadiisa PSG, isaga oo dib u milicsaday safarkiisii iyo xilli-ciyaareedkii 2024–25.

Waxaan nasiib u yeeshay inaan haysto tababare sida Luis Enrique oo i cadaadiya mar walba. Waxaan weli dhiirrigelin ka heysannaa isaga xilli-ciyaareedkan, waxaana rajaynaynaa inaan dib u soo nooleyno wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore. Sida uu tababaruhu dhaho, waxa ugu muhiimsan waa guulaha kooxeed. Shaqadaadu waa inaad diiradda saarto kooxda. Haddii lagu abaalmariyo shaqsiyan, waa wax wanaagsan,” ayuu yiri Dembélé.

Isagoo ka hadlayay caqabadaha uu la kulmay intii uu ciyaaryahan ahaa, wuxuu yiri:

“Waxaan soo maray waqtiyo adag oo badan xirfadeyda, laakiin waa wax caadi ah. Waxaan awooday inaan ka adkaado caqabadahaas. Nasiib darro dhammaan ciyaartoyda iyo tababarayaasha ma aysan imaan karin halkan. Tani waxay xirtay xilli-ciyaareed 2024–25 oo qurux badan oo aan hoggaaminay kubadda cagta aduunka. Waxaan isku dayi doonaa inaan taas mar kale ku celino.”

Mar uu ka hadlayay abaalmarinta Ballon d’Or laftiisa, Dembélé wuxuu intaas ku daray:

“Wax kasta ayaan ku faanayaa, waa wax aan caadi ahayn in lagu guuleysto abaalmarin sidan oo kale ah. Waa dadaal kooxeed – ciyaartoyda iyo kooxda ayaa iga dhigay inaan gaaro heerkan. Ma rabin inaan ooyo, laakiin way igu adkaatay. Ma ahayn wax qorsheysan, laakiin waa sidaas ay tahay. Illaa dhammaadka ma ogeyn cidda ku guuleysan doonta, in kastoo aan isku dayay inaan ogaado, haddana cid ka tirsan kooxda iima sheegin. Habeenkan waa qurux badan yahay, laakiin waxaa na dhaawacday guuldarradii aan kala kulannay OM.”