Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameyneysa awoodaha Madaxweyne Donald Trump uu u leeyahay in uu shaqada kaga eryo saraakiisha sar sare ee Guddiga Ganacsiga heer fadaraal.
Garsooreyaasha arrintan faraha ku haya ayaa codeyn ay u qaadeen doodad waxay 6-3 ku ogolaadeen in madaxweyne Trump uu shaqada ka eryo Rebecca Slaughter oo horay uu u magacaabay madaxweynihii hore ee ka soo jeeday xisbiga Dimuqraadiga.
Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale waxay isku raaceen in dib loo eego habraacyo sharciyeed oo soo jirey in ka badan qarni, ku waas oo hay’adaha madaxa bannaan ee aqalka Congress-ku dhisay ka xijaabaya faraagelin madaxweyne.
Garsoore Elena Kagan oo u qareemeysey aragtida caddaaladda xorta ah ayaa ka digtey in la jideeyo xeerar ku tumanaya isku-dheellitirnaanta awoodaha xukuumadda iyo kuwa sharcidajinta, gaar ahaan in la farageliyo sharciyada Congress-ku meelmariyey.