Masaajidada Baydhabo Oo laga bilaabay Wacyigelinta Gudniinka Fircooniga

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Magaalada Bydhabo lagu qabtay muxaadarooyin wacyigelin ah oo looga hadlayay dhibaatooyinka Caafimaad iyo Bulsho ee ka dhasha Gudniinka fircooniga (FGM) kuwaas oo lagu qabtey qaar ka mid ah Masaajidda Magaalada Baydhabo,si kor loogu qaado heerka Wacyiga Bulshada sidii ay u joojin lahaayeen Naafeynta Xubinta Taranka Gabdhaha.

Culimada oo ka hadleysey Arintaan ayaa diiradda saartay dhibaatada ay gudniinka fircoonigu u geysan karto Gabdhaha, iyagoo xusay in dhaqankaasi aanu ahayn mid diini ah, balse uu yahay dhaqan la diiday oo waxyeello leh. Waxay sheegeen in Islaamku uu farayo in la dhowro caafimaadka iyo karaamada gabadha, isla markaana uu mamnuucayo wax kasta oo waxyeello u keeni kara jirkeeda ama nolosheeda.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa