Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka deegaanka iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in tobannaan taangiyo iyo gaadiid milatari oo Israa’iil ay leedahay ay gudaha u galeen xaafad weyn oo la deggan yahay oo ku taalla magaalada Qasa, maalintii labaad ee duullaanka dhinaca dhulka ee Israa’iil ay ku doonayso in lagu qabsado aaggaas.
Muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya taangiyo, cagaf-cagafyo iyo gaadiid ciidan oo gaashaaman oo ku qulqulaya dhinaca xaafadda la yidhaahdo Sheekh Radwaan ee waqooyiga magaalada Qasa. Uuro ka cirka isku shareertay ayaa la arkay, xilli ay ciidammada Israa’iil ridayeen madaafiic culus iyo bambooyin loogu talo galay in ay yoolkooda ku lumiyaan.
Xaafadda Sheekh Radwaan waxay ahayd hoy ay ku noolaayeen tobannaan kun oo qof ka hor inta aanu dagaalku bilaaban, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah meelaha ugu cidhiidhisan ee dadku ku badan yahay magaalada Qasa