Soomaaliya oo door muhiim ah ka qaadatay doorashadda hoggaanka ururka Boosatadda aduunka.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane π— π—”π—«π—”π— π—˜π—— 𝗔𝗗𝗔𝗑 π— π—”π—–π—”π—Ÿπ—Ÿπ—œπ—  (π—¦π—’π—’π— π—”π—”π—Ÿπ—œ) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qayb galay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka (UPU), kuwaas oo ka socda magaalada Dubai, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha 28-aad ee ururka caalamiga ah.

Doorashooyinku waxay udhexeeyeen jagooyinka ugu sarreeya ee hoggaamineed ee ururka boostada aduunka, kuwaas oo kala ah: Agaasimaha Guud, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud
Xubnaha Guddiga Fulinta Iyo Xubnaha Guddiga Hawlaha Boostada.

Kadib natiijada doorashada, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hambalyo u diray Mudane Masahiko Metoki, oo dib loogu doortay Agaasimaha Guud, iyo Mudane Marjan Osvald, oo markale loo doortay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud.

Ka-qaybgalka doorashooyinkan caalamiga ah waxa uu Soomaaliya uga dhigan yahay tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah, taas oo xaqiijinaysa in codka iyo aragtida dalka ay qayb ka noqdaan go’aannada waaweyn ee lagu hago mustaqbalka adeegyada boostada caalamiga ah. Sidoo kale, waxa uu dalka u furaa fursado cusub oo istiraatiiji ah, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada boostada gudaha, iyadoo la dhisayo xiriir iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo caalami ah.