Mohamed Salah Oo Taariikh Ka Sameeyay Champions League Kulankii Liverpool Ay 3-2 Kaga Badiyeen Atletico Madrid

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah, oo 33 jir ah, ayaa markale la yimid bandhig cajiib ah isagoo sameeyay taariikh kale oo Champions League ah kulankii ay Liverpool guusha ka gaartay Atletico Madrid garoonka Anfield.

Salah ayaa shabaqa gaaray wuxuuna caawiye ka noqday goolkii uu Andrew Robertson dhaliyay daqiiqaddii 4-aad, ka hor inta uusan isagu labo daqiiqo kadib dhalin goolkii labaad, taasoo siinaysay kooxda Arne Slot hogaamin raaxo leh.

Si kastaba, Marcos Llorente ayaa gool ka dhaliyay Liverpool waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid xiiso leh. Wuxuu mar kale dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 81-aad, isagoo Reds ka dhigay kuwo khatar ugu jira inay dhibco lumiyaan kulankoodii furitaanka ee Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool, oo lix jeer ku guuleysatay Champions League, ayaa markale la timid gool daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo Virgil van Dijk uu madax ku dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 92-aad, taasoo sii wadey rikoodhkooda ah inay goolal dhaliyaan dhammaadka kulamada xilli ciyaareedka 2025–26.

Sida laga soo xigtay Opta, Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee u ciyaara koox Ingiriis ah kana qeybgalaya tartanka ugu weyn Yurub (Champions League) ee goor horeba ku dhaliya gool isla markaana caawiya gool kale – waxaana uu tan sameeyay lixdii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta. Waa dhacdadii ugu horreysay ee la diiwaangeliyo ee noocan oo kale ah oo ay sameyso koox Premier League ah.

Goolkiisii ka dhanka ahaa Atletico Madrid ayaa ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan Champions League, waxaana taasi ka dhigan tahay inuu haatan gaaray 51 gool oo Champions League ah uu u dhaliyay Liverpool, iyo 62 guud ahaan tartankan – taasoo sii adkeyneysa booskiisa taariikhda kooxda iyo tartanka laftiisa.