Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin ay baahisay CentreDevils ayaa sheegaysa in tababaraha Manchester United, Ruben Amorim uu wajahayo cadaadis xoogan, iyadoo masuuliyiin ka tirsan kooxda ay aaminsan yihiin in qaabkiisa ad-adaygga ah uu shaqadiisa ku waayi karo.
Tababaraha reer Portugal ayaa xilli-ciyaareedkan lagu tilmaamay inuu keliya “hal lug kula jiro kooxda”, iyadoo welwel laga muujinayo diidistiisa inuu wax ka beddelo nidaam ciyaareedkiisa, xilli United ay ku jirto xaalad liidata.
Waxaa la sheegay in Amorim si cad gudaha ugu sheegay maamulka inuusan wax ka beddelayn habkiisa, inkasta oo natiijooyin liita ay sii daba socdaan. Tababarahani horey ayuu u muujiyay hanjabaad ah inuu is casilayo, taas oo sii kordhisay hubanti la’aanta ku hareeraysan xilkiisa.
Inkasta oo qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay aaminsan yihiin in tayada ciyaartoydu ka sarreyso kaalinta ay hadda ku jiraan horyaalka, haddana shakiga ayaa weli taagan oo ku saabsan awoodda Amorim uu xaaladda u rogi karo.
INEOS oo ah maal-gashadayaasha kooxda ayaa garab istaag toos ah u muujiyay tababaraha, balse waxaa la isweydiinayaa in mowqifkaasi sii jiri doono haddii natiijooyinka liita ay sii socdaan.
United ayaa todobaadkan wajihi doonta imtixaan culus oo ay kula ciyaari doonto Chelsea, iyadoo guusha kulankan lagu tilmaamay mid muhiim u ah soo celinta kalsoonida iyo helitaanka saddex dhibcood oo si weyn loogu baahan yahay.