Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League oo La Shaaciyay

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa la soo afjaray todobaadkii 4-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay Burnley kulan ay Reds ku dhawaatay in ay dhibco Lumiso.

Arsenal iyo Tottenham ayaa guulo gaadhay kulamadii ay ciyaareen.

Man City ayaa Garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Man United.

Chelsea ayaa Dhibco lama filaan ah ku lumisay kooxda Brentford.

Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga OO ku leh 3 xiddig.

Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh nin 2 xiddig.

Kooxaha Brentford, Sunderland, Chelsea iyo Aston Villa ayaa shaxda ku leh nin 1 xiddig.